Ra’iisul wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne tiro badan.

Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here