Ra’iisul Wasaare Rooble oo u mahad-celiyey ciidamada ammaanka

0

-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahad celiyey ciidamada amniga ee u taagnaa sugidda Amniga Shirkii Wada-tashiga Qaran ee shalay lagu soo gabo-gabeeyey magaaladda Muqdisho.

“Waxaan mahad aad u ballaaran u jeedinayaa Ciidammada Amniga ee maalmaha badan qorraxda iyo dhaxanta u taagnaa sugidda Amniga Shirkii Wadatashiga Qaran ee Shalay guusha noogu soo idlaaday. Waan idinku faaneynaa waxaadna tihiin geesiyaasha aan ku gama’no” ayuu yiri R/wasaare Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here