R/wasaare Rooble oo war kasoo saaray qaraxii lala beegsaday Macallimuu

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxan uu dhaawac ka soo gaaray Macallimuu, kadib qarax ay la eegatay Xarakada Al-Shabaab.

“Afhayeenka XFS Mudane Mohamed Ibrahim Moalimuu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar argagixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa,” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble.

Sidoo kale waxaa xafiiska ra’iisul wasaaruhu xaqiijiyey in dhaawaca afhayeenka uu yahay mid fudud, isla-markaana ay u rajeynayaan caafimaad deg deg ah.

“Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaanna u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waa qaraxii labaad oo is-miidaamin ah oo ka dhacaya Muqdisho, waxaana weerarkan ka horreeyey mid Arbacadii ka dhacay waddada 21-ka October ee degmada Waabari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here