Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo shalay ay codka kalsoonida siiyeen xildhibaanada baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabta dhibaatooyinka ka jira dalka.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu ay xoogga saari doonto sidii Soomaaliya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ugu wadahadli lahaayen .

Wuxuu sidoo kale kaga hadlay wareysi uu siiyey BBC, haddii isaga iyo madaxweynaha uu qilaaf soo kala dhex galo loo maareynayo arrinta gobalka gedo iyo qodobbo kale .

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha cusub ayaa sheegay in Jubaland ay ka mid tahay meela uu mad-madowga ka jira isla markaana ay tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqon doonto sidii lagu heshiisiin lahaa Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here