Ra’iisul wasaare Xamza oo magacaabay la-taliyeyaal iyo agaasimeyaal

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr isagoo uga mahadceliyay Xoghayihii hore ee xafiiska Mudane Maxamed Ibraahim Nuur howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay.

Xamza ayaa sidoo kale magacaabay la-taliyeyaal ka tirsan xafiiskiisa, Cali Cabdi Awaare ayaa loo magacaabay la-taliyaha arrimaha dib u heshisiinta, Kamaal Guutaale ayaa loo magacaabay la-taliyaha amniga, Axmednuur Maxamed Cabdi ayaa loo magacaabay la-taliyaha arrimaha siyaasadda & Hodan Cismaan la-taliyaha arrimaha xiriirka caalamiga ah.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa sidoo kale Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale u magacaabay afhayeenka xukuumadda, Haashim Maxamed Cali ayaa isna waxaa loo magacaabay agaasimaha maamulka iyo maaliyadda, halka Cabdullaahi Shariif Cabdi loo magacaabay agaasimaha hab-maamuuska ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre oo dhawaan helay codka kalsoonida ee baarlamaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu shaaciyo golihiisa wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here