Ra’iisul wasaare Xamza oo gaaray magaalada Beledweyne + Sawirro

0

BELEDWEYNE (SMN) -Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xamsa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka XDS , Gen; Odawaa Yuusuf Raage,Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ku xigeenkiisa, Yuusuf Axmed Hagar, saraakiil iyo qeybaha kale ee maamulka Gobolka Hiiraan.

Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaaraha dalka ayaa inta uu halkaasi joogo waxa uu u kuur geli doonaa , xaaladda dadka ay abaaruhu saameeyeen, howlagallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here