Ra’iisul wasaare Xamza oo kulan la yeelan doono madaxweynaha dalka Masar

0

QAAHIRA (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada Qaahira ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho madaxweynaha dalkaasi Cabdel Fataax Al-Sisi.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadli doono arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal iyo sidii sare loogu sii qaadi lahaa.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ra’iisul wasaarha ku wehlin doono xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, sida wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) iyo wasiirka waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uuliyiinta labada dal ay isla soo qaadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay taageero dibadda ah u raadineyso dowladda.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool waddanka  Masar.

Dowladda Masar ayaa ka mid ah dowladaha xiriirka dhow la leh Soomaaliya, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageero ku aadan dhinaca bani’aadanimada.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna horey u booqday dalkan, isaga oo wadahadallo lasoo yeeshay dhiggiisa Cabdel Fataax Al-Sisi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here