Ra’iisul wasaare Xamza oo kulan la yeeshay safiirka Finland + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Finland ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mr. Pirkka Tapiola ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Filand ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Finland uga mahad celiyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here