Ra’iisul wasaare Xamza oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar

0

QAAHIRA (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar.

Raiisul wasaare Xamza oo khudbad u jeediyay jaaliyadda ayaa sheegay inuu rajeynayo in ay dib ugu soo laabtaan waddankooda oo nabad ah, si ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale wu uu ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xubnaha jaaliyadda warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka iyo barnaamijka ay waddo xukuumaddiisa oo ay ugu horreyso dib u xoreynta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here