Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo gaaray degmada Aadan Yabaal + Sawirro

0

AADAN YABAAL (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ra’iisul wasaare Xamza iyo xubnaha la socda ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidanka xildhibaanno heer Qaran iyo heer deegaan ah iyo shacabka degmada Aadan Yabaal.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira sidii uu ugu kuur-geli lahaa xaaladaha ka jira degmadaas oo ka mid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmi doono hoggaanka sare ee HirShabelle, saraakiisha ciidamada huwanta iyo dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday mas’uulkii ugu sarreeyay ee ka socdo dowladda federaalka ee booqasho ku tega Aadan Yabaal oo in ka badan 15 sano ay heysteen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here