Raila Odinga oo ballan-qaaday inuu furi doono xadka Soomaaliya iyo Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya, isla-markaana ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Kenya Raila Odinga, oo dhowaan booqasho ku tagay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa ballan qaaday in haddii uu ku guulaysto xilka madaxwaynaha uu dib u furi doono isu socodka iyo ganacsiga ee xadka wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Raila Oding ayaa sidoo kale sheegay in Soomalida kasoo jeedda gobolkaasi ay adeegyada ay u baahan yihiin ee dowladda ay ka heli doonaan deegaanadooda.

“Waa inaan diyaarinaa wax kasta oo loo baahan yahay si loo xaqiijiyo howlgallada xuduuddan, sidaas darteed waxaan la macaamili karnaa walaalaheena Soomaaliyeed,” ayuu yiri. 

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa xirtay xuduudda 2014-kii kadib weeraro dhowr ah oo ay fulisay Xarakada  Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here