Rasaas culus oo weli ka socota Hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerar culus oo Kooxda Al Shabaab ay ku qaaday hoteelka Villa Rose oo ku yaalla nawaaxiga Madaxtooyadda.

Weerarkan oo soo bilaawday labadii fiidnimo ee Xalay ayaa weli ka socda dhaakhilka hoteelka.

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray weerarkan, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

War kooban oo ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in weli uu socdo dagaal, islamarkaana Ciidanka Amniga ay soo badbaadiyeen Shacab iyo masuuliyiin dowladeed.

Dhinaca kale, Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa wada howlgal lagu soo afjarayo weerararka, inkastoo xubno tirsan Al Shabab weli heystaan qeyb ka mid ah hoteelka.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo saacado qaata oo Kooxda Al Shabab ay ku qaado hoteel ku yaalla Magaalada Muqdisho tan iyo bishii May ee sanadkan markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la wareegay talada dalka.

Warkan waxii ku soo kordha waxaa kala socon kartaa Shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here