Rooble iyo James Swan oo ka wada-hadlay doorashooyinka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wheliyo guddoomiyaha gudduga doorashooyinka ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya James Swan oo ay ka wada hadleen dardargelinta  doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka.

Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamedd Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here