Rooble oo Xafiiskiisa kula kulmay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Marwo Amina Jane Momamed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga Qaramada Midoobay la wadaagay horumarrada laga gaaray howlaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in ay noqdaan kuwo nabdoon, daah-furan oo aan cidna lagu xad-gudbin, isagoo tilmaamay in inta badan dowlad-goboleedyadu soo dhammeystireen doorashada xubnaha Aqalka sare ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha Baarlamaanka, arrintaas oo u magacaabay guddi gaar ah oo u qaabilsan.

Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahaliil Faarax, isagoo xusay in aysan habbooneyn in arrintaas la siyaasadeeyo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Golaha wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha doorashada qaranka iyo bilaabidda doorashada Golaha Shacabka.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka ay habka fogaan aragga uga qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhiirrigeliyey madaxda dowlad goboleedyada inay dardargeliyaan hawlaha hortabinta leh ee doorashada, isagoo adkeeyey taageerada buuxda ee la garab taagan yahay dadaalada dalka looga qabanayo doorasho hufan, la aamani karo oo waqtigeeda ku dhacda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here