Rooble iyo madax goboleedyada oo saxiixay heshiiska doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane, Maxamed Xuseen Rooble Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka.

Waxaana isla maata lagu wadaa in in lasoo xiro shirkii golaha wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.

Sidoo kale waxaa jirta munaasabad gaar ah oo ay  ka qeyb-galayaan madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaare Rooble, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka, xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, danjireyaasha dalalka caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here