Rooble & Qoor Qoor oo si wadajir ah u gudoomiyey shir ka dhacay Samareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay shirka isbuuclaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug oo maanta ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Golaha ayaa shirka diiradda ku saaray xaaladaha bini’aadanimo ee kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug oo abaar soo food saartay.

Ugu Danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa baaq u diray beesha caalamka sidii ay gacan uga geysan lahaayeen abaaraha iyo biyo la’aanta kusii baaheysa deegaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here