R/W Rooble oo booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abulqeyd.

Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka Jaamacadda Carabta isagoo ku soo wareejiyay qeybaha ay ka kooban tahay.

Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabta ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabta ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay Jaamacadda Carabta, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galayo doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here