R/W Rooble oo faray in cadaaladda la horkeeno askartii dilalka geysatay

0

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo war ka soo saaray dilalkii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa amar culus soo saaray, wuxuuna faray laamaha ammaanka in sharciga la horgeeyo eedeysanayaasha.

Rooble ayaa shaaca ka qaaday in tallaabo wanaagsan ay tahay in gacanta lagu soo dhig askarka lagu eedeeyey dilalkaasi oo labadii habeen ee lasoo dhaafay ka dhacay Xamar.

“Waa tallaabo wanaagsan in ciidammada ammaanku soo qabteen eedaysanayaashii. Waxaan farayaa in si deg deg  ah sharciga loo hor geeyo si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan,” ayuu qoraalka uu soo saaray ku yiri ra’iisul wasaare Rooble

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa una tacsiyeynayaa qoysaskii ay geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda  Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here