Rooble oo guddi u saaray xubnaha guddiga doorashada ee lagu muransan yahay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Guddiga oo ka socda golaha wasiirada ayaa waxa uu Rooble u xil saaray in ay warbixin ka keenaan guddiga lagu muransan yahay doorashada iyo iyo xubnaha cabashada laga qabo. weli lama shaacin magacyada guddiga.

Sidoo kale qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shegay in magacaabista guddigan ay timid kadib heshiiskii Muqdisho 27 bishaan ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here