Rooble oo liiska musharixiinta Aqalka Sare ka guddoomay Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay liiska murashaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland), Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay soo gudbinta Liiska murashaxiinta Xildhibaanada Aqalka sare ee Somaliland guul taariikhi ah oo laga gaaray dib-u-dhacyadii ku yimid, waxuna xusay in si deg-deg ah loo guda geli doonno doorashadooda.

Eng. Rooble ayaa sheegay in doorashooyinka Aqalka sare ee BFS ay ku socdaan si habsami leh, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lagu garab siiyo dhammaan dhinacyada ku howllan doorashada sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon oo ku qabsoonta xiligii lagu heshiiyey.

Liiska kuraasta Aqalka Sare ku matalaya Gobollada Waqooyi oo ka kooban 11-xubnood ayaa waxaa ku tartamaya 24-murashax oo isugu jira rag iyo dumar. Iyadoo doorka Ra’iisul Wasaaruhu uu yahay hubinta liiska loo soo gudbiyay, sida ku cad war-murtiyeedkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 22kii Agoosto 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here