Rooble oo guddoomiye Cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Rooble ayaa guddoomiye Cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday in ay dalka ka dhaceyso doorasho xor iyo xalaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here