Sawirro: Rooble oo heshiis kala dhex-dhigay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaah iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kulankan ayaa waxaa lagu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

Heshiiskan ayaa muhiim u ah doorashada kuraasta gobollada waqooyi oo ka socota magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here