Rooble oo ka baaqday safar uu maanta ku tegi lahaa magaalada Garoowe

0
Ra'iisaul wasaaraha Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble

GAROOWE (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta baajiyey safar shaqo oo uu ku tegi lahaa gudaha magaalada Garoowe, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Rooble ayaa baaqashadiisa ku wargeliyey madaxweynaha Puntland iyo midka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u dhaca ku yimid safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Puntland, kaas oo la xiriiray arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horey u tegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula soo qaatay madaxda sare ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here