Rooble oo ka hadlay falkii lagu gubay raashin loo waday Waajid

0
RW Somalia Mohamed Hussein Rooble

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisu wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa cambaareeyay, wax laga xumaadana ku tilmaamay falkii Al-Shabaab ay ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ee duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Rooble ayaa yiri” Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale.”

Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here