Sawirro: Rooble oo ka qeyb-galay casho sharaf loogu sameeyey Jabuuti

0

JABUUTI (SMN) – Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Djibouti uga qeyb galay casho sharaf uu madaxweynaha Janhuuriyadda Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle u sameeyay ka qeyb galeyaashii Madasha sanadlaha ah ee Aragti Wadaagga Heritage oo maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Djibouti.

Rooble ayaa shalay soo xiray Madasha sanadlaha ah ee Aragti Wadaagga Heritage oo lagu qabtay dalka Djibouti taas oo sanadkan looga doodayay xasaradaha Geeska Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu kulan la yeeshey madaxweyne Geelle oo ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal ee dariska iyo walaalaha ah ee Soomaaliya & Jabuuti.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here