Rooble oo ku dhawaaqay inay XF Hal milyan u qoondeysay gurmadka Abaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay 1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Rooble ayaa faray guddiga gurmadka abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jirta abaar baahsan oo saameyn daran ku yeelatay nololsha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here