RW Rooble oo kusoo laabtay Muqdisho, kana warbixiyey shirkii London

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa markale ka tacsiyeeyay qaraxii shalay kooxda ciyaartoyda Kismaayo lagula beegsaday, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Marka hore waxaan rabaa inaan halkan ugu tacsiyadeeyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubbaland falkii argagaxa lahaa ee ay geysteen dadka Nabad diidka ah la beegsadeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isboortiga ah, intii dhimatay Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantay waxan Alle uga baryaynaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo, waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed marna nama niyad jabi nayaan qalooyinka nabad diidka ah, waana inaan feejignaanaa oo aan ka hortagnaa dhagarta Cadowga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in socdaalkii ay ku tegeen London ay la xiriirtay casuumaad ay ka heleen Dowladda Britain, ayna ka qeybgaleen shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada oo ay Soomaaliya door fiican ka qaadatay.

“Runtii shirka qeyb weyn ayaan ka qaadanay, waxaa kaloo bar barsocday kulamo aan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee UK oo aan ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka, beni’aadanimada iyo amniga, guulo la taaban karo ayaa iyagana ka soo gaarnay, waxkasta oo aan uga baahano oo macquul ah oo horey noola garab istaagnaayeen ay hadana dadaalkooda sii labo laabayan waan isku soo afgaranay, safarkana waxa uu ahaa mid guulo noogu soo dhamaaday”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK uga cudurdaartay in cudurka COVID-19 dartiis ay u suurta geliweysay in uu la kulmo, isagoo u balan qaaday  in markale uu qorsheynayo booqasho uu ku tego Britain si uu ula kulmo Jaaliyadda.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay inay bilaabatay doorashooyinka, waxaana uu Madaxda dowlad goboleedyada kale ku booriyay inay dedejiyaan doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here