R/wasaare Rooble oo la kulmay xildhibaanada gobollada waqooyi

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble  oo la kulmay xildhibaanada ka soo jeeda gobobllada woqooyi ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee uu isagu hormuudka ka yahay.

Rooble ayaa u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaan kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daah-furan oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyadoo maalmahan ay taagneyd dood ka jirta guddiyada doorashada ee gobollada Waqooyi oo ay isku hayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here