Rooble oo lagu bogaadiyey dadaalkii uu ku bixiyay doorashooyinkii dalka

0

MUQDISHO (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Waqti la qaatay qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho, iyagoona ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey qabsoomidda doorashooyinkii dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xogwareystay dadweynihii uu waqtiga la qaatay, waxaana uu u kuurgalay dareenka shacabka ee ku aadan doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Bar-kullanada kala duwan ee ay isku yimadan dadweynaha muqdisho ayaa si weyn looga dareemaya in dalku yeesho hoggaan cusub sidoo kalena si nabad ah looga gudbo marxaladdii kala guurka, Waxaana filasho wanagsan la qabaa dowladda cusub ee dhalatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoggaaminayay doorashooyinkii dalka ka dhacay, iyada oo la wada qiray dadalkii uu ku bixiyey doorashada oo hadda mira dhalay. Saaxiibada Beesha Caalamka, siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah ugu ammaanay ra’iisul Rooble daadintii hanaankii doorasho ee dalka ka dhacay.

Doorashado waqti dheer qaadatay ayaa soo idlaatay 15-kii bishaan oo la doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here