R/W Rooble oo qiray inuu gaabis ka jiro habka ay ku socoto doorashada dalka

0

BAYDHABO (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ugu horeyn bogaadiyey isku duubnida dadka reer Keenfur-galbeed iyo sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo wax-wada qabsiga,isagona sidokale Ra’iisul Wasaarahu soo hadal qaaday halka ay marayaan arrimha doorashooyinka dalka

Rooble ayaa sheegay in uu gaabis wali uu ku jiro habka ay doorashooyinka u socdaan isagona ku baaqay in la dar-dargaliyo doorashooyinka waxa una faray xubnaha Maamul Goboleedyada in soo dadajiyaan doorashada sid dalka uu u helo isbadal,sidoakle waxa uu tilmaamay in hakad ku jiro dhaq- dhaqayadii ganacsiga iyo waliba  masharicdii lagu caawin jiray dalka gaabiska ka jira arrimaha doorashoouinka awgeed,waxa uu shegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha wadatashiga Qaran ay fadhi ka yeelan doonaan arrimaha doorashooyinka si shacabka soomaaliyeed iyo daneyaasha loogu cadeeyo xiliga sida rasmiga ah loo soo gabgabeyn doono doorshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Faderaalka soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhanka kale hadalay Abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobolada dalka waxa  uu sheegay in xaalad adag ay jirto,isagoona Guud ahaan Shacabka ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka ay Abaartu sameeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here