Rooble oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda ciidul Adxa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay munaasabadd Ciidul Adxa oo berri ku beegan.

“Dhamaan shacuubta Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo aad joogtaan waxaan rabaa inaan halkan idinkaga hambalyeeyo ciida barakeysan ee ciidul Adxa, waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay gacan isa siiyaan oo ay u kaalmeeyaan dadkooda tabaaleysan.

“Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo aad joogtiin waxaan idinka codsanayaa inaad gacan isa siisaan, waxaad tihiin shacab wanaagsan kiina hantida leh waxaan rabaa in uu wax siiyo kiina aan waxba heysan, gaar ahaan agoonta, masaakiinta iyo dadka danyarta ah”. ayuu yiri Ra’iisul.

Wasaare Rooble ayaa hadalkiisa ku daray “in Ciidan ay ku soo aaday xilli dalka uu ku jiro doorasho, Insha Allah aniga iyo Xukuumadeyda waxaan rajeyneyna in doorashadan noogu qabsoonto si cadaalad ah, oo xaq ah oo hufnaan ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here