Ra’iisul wasaare Rooble oo war cusub ka soo saaray doorashooyinka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee uu dalka ku jiro in looga samata bixi karo doorasho heshiis lagu yahay oo ka dhacda dalka.

Rooble ayaa sheegay in dalka waxa uu u wada xayiran yahay ay tahay dooraahada hadii aysan doorasho dhicina uu dalka galayo xaalad mugdi ah, isagoona sheegay iney ka go’an tahay hirgelinta doorasho heshiis lagu yahay.

Sidoo kalw waxuu intaasi ku daray Raysal wasaaraha Soomaaliya in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dalka dhacdo doorasho, isago carabka ku dhuftay ay jiraan dad doonaya inay doorashada hakiyaan oo qorsho kale ka dhex raadinaya, isagoona faray wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Xukuumadda iney ka shaqeyaan xaqiijinta amniga dalka.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya xili dhowr jeer ay dib u dhacday doorashada, islamarkaana aanan wali go’aan rasmi ah laga gaarin waqtiga ay dhamaaneyso doorashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here