Rooble oo war kasoo saaray doorashada ka socota Puntland

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray doorashooyinka qof codka ah ee ka billowday deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan saddex degmo ee kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Rooble ayaa marka hore shacabka iyo hoggaanka Puntland ugu hambalyeeyey doorashooyinkaas oo lagu dooranayo golaha deegaanka ee saddexdaasi degmo.

“Waxaan bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn, halkaas oo ay shacabku saaka u dareereen in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan wakiilladooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here