Rooble oo wasiirka amniga gudaha u magacaabay C/laahi Maxamed Nuur

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Maxmaed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale ‘shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay’ muddadii uu xilka hayay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here