Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Rooble iyo Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ka wada hadlay xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannada ay  abaaruhu saameeyeen.

Kulankan ayaa daba socda baaq uu Ra’iisal wasaaraha u diray hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamkan oo ku aadan in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubaland iyo deegaanno kale oo dalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here