RW Rooble oo xilka qaadis ku sameeyey saraakiil ka tirsan hay’adda NISA

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markuu arkay qodobka 21aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, faqradiisa 1aad ee dhigaya qofkasta oo si sharci ah u degan Jamhuuriyadda waxa uu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex socon karo meelkasta oo dalka ka mid ah kana bixi karo”. Ayuu yiri Afhayeenka Xakuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu oo Warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa hadlakiisa ku daray “Iyadoo la tix raacayo amarkii uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 21 July 2021, ee sida cad u qeexaya in qof muwaadin ah aan laga hor joogsan Karin in uu u safro ama ka soo dego deegaan ama gobolka ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lagana jawaabayo falkii maanta muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday si sharci darro ah inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, taasi oo xad gudub ku ah amarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo xaquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniintaas”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali, iyadoo muwaadiniitnta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwii maanta safarka laga xayiray inay xor u yihiin socdaalkooda, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha markale ku celiyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo ku xad gudubta dastuurka dalka, kuna dhiirata carqaladeynta geeddi socodka doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here