Saciid Deni oo Gaalkacyo kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay masuuliyiin ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlaya is-xogwareysi iyo sidii loo sii horumarinlaha Iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan amniga oo si wanaagsan looga shaqeeyay.

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi dhinac walba ah sida amniga , horumarka iyo is-dhexgalka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here