MW Saciid Deni oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada Puntland

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay todobaadkan Amniga, Caabuqa Covid-19, xaaladda Gobollada iyo Doorashooyinka iyo Siyaasadda Biyaha Puntland.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale looga hadlay Ciyaaraha Gobollada Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni  ayaa bogaadiyay in Ciyaaraha Gobolada Puntland ay siweyn u xoojiyeen isdhexgalka bulshada, dhiirigelinta dhallinyarada iyo ka qeyb qaadashada horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa  faray mas’uuliyiinta ay khuseyso iyo dhammaan Hay’addaha kale in loo baahanyahay mas’uuliyad dheeri ah oo la iska saaro sidii Ciyaaruhu si qurux badan ugusoo dhammaan lahaayeen, lagana wada qeyb qaato oo lala shaqeeyo Wasaaradda iyo guddiyada la shaqeynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here