Saciid Deni oo ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland ayaa maanta daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland oo todobaadkan ka bilowmaya degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo ay ka dhici doonaan doorashooyin hal Qof iyo hal cod ah.

Deni ayaa la wadaagay bulshada in shaqo adag laga soo maray in maantana lasoo gaaray olola ha ururadda Siyaasadda iyo codeynta dadweynaha oo ah riyadii bulshada Puntland oo rumowday, wuxuuna bogaadiyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Hay’adda PDRC , Dallada Ururadda Bulshada ee PUNSAA iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay shaqada wanaagsan ee qabsoontay.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iiwasul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Saciid Deni ayaa ku baaqay in Ra’iisul Wasaaraha looga dambeeyo arrimaha amniga iyo sidoo kale doorashooyinka dalka ee 2021.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay haatan socdaan dadaallo xoogan oo lagu dhex-dhexaadinayo madaxda ugu sarreysa ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here