Saciid Deni oo kulan la yeeshay xildhibaanadii lagu doortay Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Xildhibaanada cusub ee loo doortay shalay in ay Puntland ku metelaan Golaha Shacabka JFS.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada cusub wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuladda loo doortay.

Dhinaca kale Saciid Deni ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Mudane Maxamed Cawil Warsame iyo Xubin ka mid ah Guddiga Mudane Bashiir Axmed Yuusuf.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dadajin lahaa, si looga faa’ideysto muddada cayimay ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here