Saciid Deni oo markale si adag uga hadlay xiisadda ka taagan Laacaanood

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaaladda Laascaanood.

Deni ayaa beddalay mowqifkiisii hore, wuxuuna shaaca ka qaaday in gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ay yihiin dhul ka tirsan Puntland oo aysan ka gorgortameynin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhibaatada lagu hayo reer Laascaanood laga leeyahay ujeedooyin guracan oo kasoo horjeedo Soomaalinimada, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in garab istaag loo muujiyo shacabka ku dhaqan Sool, loona midoobo xaaladaha haatan ka soo kordhay gobolkaasi.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid kasi dareysa, maadaama aan weli xal loo helin rabshadaha socdo, waxayna shacabku sii wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here