Senataro ka tirsan Aqalka Sare oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb

0

Golaha wakiilada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta lix Senatar oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ku doortay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi.

Doorashada ayaa aheyd mid u dhacday qaab gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen dhammaan musharraxiintii la tartami lahaa lixda Sanatar ee ka soo baxday Galmudug.

Labo ka mid ah lixda Senatar ee maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ayaa ah dumar, waxaana tani ay muujineysaa inay Galmudug ilaalisay qoondada haweenka ee 30%.

Halkan hoose ka aqriso magacyada.

1-Saciid Siyaad Shirwac

2-Yuusuf Geelle Ugaas

3-Cabdi Axmed Dhuxulow

4-Samsam Daahir Maxamuud

5-Cabdixakiim Macalin Axmed

6-Duniyo Maxamed Cali

Galmudug ayaa noqoneyso maamulkii afaraad ee bilaaba doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxaana ka horreeyey Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here