Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dib loo howl-gelinayo

0

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi, Mudane Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay dib u soo celinta xiriirka xumaaday ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Tarsan ayaa sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal uu soo maray marxalado kala duwan, balse wuxuu shaaca ka qaaday in aysan kala go’i karin Soomaaliya iyo Kenya, isla-markaana ay yihiin labo dal oo daris ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ay dib u bilaabeyso adeega ay u heysay bulshada Soomaaliya maalinta beri ah oo ku beegan 4-07-2021-ka.

“Waxa aan bulshada Soomaaliyeed ku wargelinayaa in Isniinta Safaaradda ay bilaabeyso adeegyadii ay qaban jirtay, Nambarka imaan doona ayaa laga yaabaa in uu badan karo balse waan xalin doonaa”  ayuu yiri Danjire Tarsan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu soo hagaagayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo horey u go’ay, kadib markii ay dowladda federaalka ku edeysay Kenya inay fara-gelin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here