Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo Khudbad ka jeediyay Shirka Ganacsiga ee Beijing

0

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa shirkaasi looga hadlayay horumarinta ganacsiga Digitel-ka ah oo ay soo Abaabushay Kulanka caalamiga ah ee ganacsiga Digital-ka ayaa ka jeediyay Khudbad dheer oo taabanaysay horumarka laga gaaray ka ganacsiga Digital-ka.

Safiir Cawaale ayaa ugu horeentii ku Amaanay dowladda Shiinaha kaalinta Hogaamineed ay ka haysti Diknoolajida iyo ka faa’idaysiga, kaa soo ugu baaqay in dalalka soo koraya ay ka faa’idaystaan khibradda ay leedahay dalka Shiinaha.

Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay dadkii kasoo Qayb galay shirka horumarka ay Soomaaliya ka sameysay Tiknoolajiyada gaar Ahaan, dhanka Internet-ka, Lacagaha loo adeegsado mobilada iyo horumarinta Tiknoolajiyada.

Ugu dambeyntii Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa ugu baaqay Shiinaha iyo shirkadaha ka shaqeeya Tiknoolajiyada in ay Soomaaliya jiraan fursado ganacsi oo wax badan ka faa’idi karaan haddii ay diraaso iyo maalgashi ku sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here