Sawirro: Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kumay saraakiil ka tirsan Xoogga dalka

0

QAAHIRA (SMN) – Safiirka JFS ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Safaardda soo dhaweyn diiran ugu sameeyay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Cabaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Cirka Jeneraal Maxamuud Sheeq Cali, Gaashaanle sarre Axmed Maxamed Xasan oo howlo shaqo u tegay Masar.

Kulanka soo dhaweynta waxa goob joog ahaa u qeybsanaha Ciidamada Safaaradda Jeneraal Liibaan Alow Yarow iyo Jeneraal Maxamed Sharmaan oo kamid ahaa saraakiishi horre ee Ciidanka Xoogga dalka ee u soo halgamay midnimadda iyo jiritaanka Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Sharmaan ayaa la ilmeeyay dareen farxadeed isagoo sheegay in maanta uga dhigan tahay maalin weyn oo farxadeed maadaama isagoo ku sugan Safaaradda dalkiisa uu kula kulmay saraakiishii dalka ee qaarkood ay soo wadda shaqeeyeen, waxaana uu midaas uga mahadceliyay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo suurta geliyay kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here