Safiirka Soomaaliya ee dalka Biljam oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

0

 BILJIMKA (SMN) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Biljam, Danjire Olivier Belle.

Agaasimaha Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Biljimka ayaa u rajeeyay safiirka cusub ee Soomaaliya inuu si joogta ah ugu guuleysto waajibaadkiisa, wuxuuna dhinaca kale u ballanqaaday inuu siinayo dhammaan taageerada si sare loogu qaado xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal .

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Biljimka iyo Midowga Yurub, Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loo soo dhoweeyay,wuxuuna caddeeyay  in si hufnaan ah uu uga shaqeyn doono iskaashiga labada dal.

Kulanka wareejinta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga oo ka dhacay Caasimadda Brussels ,waxa uu qeyb ka ahaa munaasabad gogol-xaarka oo la doonayo in Boqorka Biljim, Boqor Philippe si rasmi ah loogu wareejiyo dukumiintigaasi oo dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here