Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo qaabilay wasiir Xaniifa + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) -Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim oo safar shaqo maalmahan ku joogta dalka Uganda

Wasiir Xaniifa ayaa ka mahadcelisay sida diiran ee xarunta safaaradda loogu soo dhaweeyay, iyadii shaqo ballaaran oo dayactir ah ka socoto xarunta Safaaradda.

Sidoo kale waxa ay labada mas’uul iska xog wareysteen xaaladda dalka, gaar ahaan tan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here