Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya oo gaaray magaalada Beledweyne + Sawirro

0

Wafdigan uu hoggaaminayo Safiirka wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander ayaa maanta gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Danjiraha Sweden iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Baledweyne kuso dhaweeyay madaxda maamulka Hirshabeelle, kan gobolka iyo degmada, Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Soo dhaweynta kadib waxay kormeer ku tageen wafdiga deegaanka Hilikilyo oo ka mid ah deegaanada laga hirgeliyay biyo xireenada fatahaada wabiga Shabeelle, halkaaso aheyd meelaha ugu daran ee wabiga karkaarada ka jabsan jiray sanadahii lasoo dhaafay.

Ujeedada wafdigan Baledweyne usoo gaareen ayaa lagu sheegay iney tahay ka qeyb qaadashada wax ka qabashada arrimaha fatahaadaha ee kusoo laablaabtay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gabagabadii wafdiga Danjiraha Sweden ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney kulan gaar ah la qaataan madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, kaaso la sheegay in diirada lagu saari doono sidii wax looga qaban lahaa fatahaada wabiga Shebeelle uu ka geysto deegaanada maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here