Salaam Somali Bank oo $241,000 ugu deeqay Ganacsatada yar yar ee Muqdisho

0

MUQDISHO [SMN] – Salaam Somali Bank wuxuu maanta ku deeqday Maalgelin qeyb ka ah Nidaamka Qardul – Xassan ka’ oo loogu talo galay inay ka faa’iidaaystaan Ganacsatada yaryar ee ka howlgala Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa.

 

Ganacsatada ka faa’iidaysatay barnaamijkaan waxay isugu jiraan Ganacasatada qeybaheeda kala duwan, sida; Bagaashleeyda, Qudaarleeyda, Daawooyinka, Dharka, Spare Parts, Qeybaha Waxbarashada, I.W.M. Taaakulayntan ay ka heleen Nidaamka Qardul-Xassanka ee bangiga ayaa ah mid ku salaysan kobcin maalgalineed oo aan faa’iido soo celineed bangiga ka rabin.

Dadkii ka soo qeybgalay Daahfurka Munaasbada Maalgaalinta ayaa sheegay in ay aad ugu farxeen maalgelinta uu Salaam Somali Bank Ugu deeqay, waxayna si gaar ah ugu mahadceliyeen Maamulka Bangiga.

Madaxa branch-yada Salaam Somali Bank Abdifitah Maxmaed Odowaa ayaa faahfaahiyay Barnaamijka Maalgelinta Qardu-Xasanka, walibana in Bangigu uu qorsheeyay inuu sii balaarin doono  Barnaamijkan Qardul-Xassanka haday ahaan lahayd Caamisamada iyo deegaanada u dhaw.

Ganacsatadii qeyb ka ahaa barnaamijkan Qardu-Xasanka ‘ayaa sheegay inay sameeyeen kobac dhaqaale oo fiican, ayna xaqiijinayeen hadafkoodii horumarineed iyo dhanka shaqa abuurka. Sidoo kale waxay  ku bogaadiyeen doorka uu bangigu ka qaato kobcinta dhaqaalaha bulshada iyo horumarka wadanka guud ahaan’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here