Salaam Somali bank oo maalgelin siiyay Ganacsatada yaryar

0

MUQDISHO [SMN] – Xarunta Salaam Somali Bank ee Sanco, ayaa maanta laga bixiyay barnaamij Qardu Xasan (free micro finance) oo ah lacago lagu siinayay ganacsatada yar yare si ay u kobciyaan ganacsigooda.

Munaasabad ka dhacday xarunta bangiga ayaa lagu gudoonsiiyay ganacsatada lacag maalgelin ah, oo aan dadkii la siiyay faa’ido laga rabin.

Ganacsatadii ka faa’iidaystay oo rag iyo dumar isagu jira ayaa uga mahadceliyay bangiga taageeridda wax ku oolka ah, iyagoo sheegay in ay tahay tallaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan oo wax ka bedelaysa ganacsigooda.

Waxay sidoo kale sheegeen iney aad ugu farxeen fursadan maalgelineed ee uu bangiga Salaam Somali bank uu siiyey, taasoo ah mid wax badanka bedelaysa ganacsigooda.

Qardu Xasan waa mid loogu talagalay in laga bixiyo dhamaan xarumaha bangiga ee Caasimadda, magaalooyinka gobolada dalka.

Ujeedku waa in lagu dhiira geliyo ganacsatada soo koreysa sidoo kalana ay ka qeyb qaadato shaqa abuurka, maadaama hadii uu kobac sameeyo ganacsiga dad badan shaqooyin ka helayaan.

Horey ayuu bangiga sidan oo kale ugu bixiyey Xaruumo badan tan iyo 2020, waxaana Maamulka Bangiga uu sheegay inay sii wadi doonaan illaa laga gaarsiiyo dhamaan xarumaha dalka.

Ujeedada ugu muhiimsan uu banigiga u bixinaayo lacagahan ayaa ah in kor loo qaado wax soo saarka ganacsatada soo koreys, laguna garab istaago kobcinta ganacsigooda yaryar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here